Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay iney ku guuleysatay xasilinta amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.
Afhayeenka wasaaraddaasi Axmed Maxamuud Sayid oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in laamaha amniga dalka ay ku guuleysteen sugidda amnga Muqdisho iyo sidoo kale gobollada dalka.
Afhayeenka ayaa sheegay tani ay timid kadib markii wadashaqen ay dhexmartay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ammaanka, sidoo kalena loo baahan yahay in laga hortago wax walbo oo amniga wax u dhimaya.
Mr. Carab, ayaa dhanka kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney xoojiyaan la shaqeynta hay’adaha amniga si looga hortago fal walba oo amniga wax u dhimi kara.