Labada mas’uul ayaa ka hadlay siyaabaha labada wadan uga wada shaqeyn karaan la dagaalanka argagixisada iyo sida loo adkeyn karo amaanka wadanka Soomaaliya iyo mandiqada.
Wadahadalkaan ayaa dhinaca kale taabtey arimaha hurumarinta, barnaamijyada bini’aadnimo iyo mashaariicda dib u dhiska dalka kuwasoo wadanka Imaaraadka Carabta qaarkood gacanta ku hayo, kuwa kalena damacsan yahay in ugu deeqo dalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinaciisa warbixin ka siiyey amiirka barnaamijyada hurumarka ay ka wadaan dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha lagu sheegay ‘Nabadiidka iyo carqaladda nabadda Soomaaliya’.
Warar ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa noo xaqiijiyay in uu aad ugu faraxsanaa wadahadalka uu la yeeshey amiir Shiikh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan isagoo xusey in qodobadii laga wadahadlay guulo ka gaareen kuwasoo aan saxaafada loo sheegin.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, La-taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Istiraatiijiyadda Prof. Nuur Diiriye Xirsi, Sen. Mahdi Daahir Sheekh Nuur iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Mudane C/qaadir Sheekheey Maxamed Al Xaatimi.
Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa culeys badan ka haystey mowqifkeedii ku aadanaa dhexdhexaadnimada ay ka qaadatey khilaafka Khaliijka kaasoo meeshii ugu hooseeya gaarsiiyey xiriirka ay la laheyd wadanka Imaaraadka Carabta iyo Sucuudiga.