Wariyeyaal caan ka ah BBC-da oo aqbalay mushaar dhimis

984

Wariyeyaasha caanka ah ee katirsan BBC-da qeybta af ingiriiska ee kala ah Huw Edwards, Nicky Campbell, John Humphrys, Jon Sopel, Nick Robinson iyo Jeremy Vine ayaa aqbalay in wax laga dhimo mushaarka ay qataan, kadib markii ay iscasishay tifatirihii laanta BBC-da ee Shiinaha oo cabasho ka muujisay sinaan la’anta dhanka mushaarka ee u dhaxeya ragga iyo dumarka isku shaqada qabta.

Barnaamij daadihiyaha caanka ee BBC radio 4, Mr Humphrys ayaa waxaa uu sheegay in mushaar ahaan uu u qaadan doono lacag ka yar middii uu horay u qaadan jiray.

Arrintan ayaa waxaa ay kusoo beegantay kadib BBC-du ay shaaca ka qaaday lacagaha la siiyo weriyeyaasha hibada gaarka ah leh. Saddex meelood labo meel xidigahaasi kujira liiska la shaaciyay ayaa toddobo kamid ah waxaa ay ahayeen rag.

BBC-da ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Mr Humphrys uu sanandkii 2016/17 uu mushaar ahaan u qaatay inta u dhaxeysa 600,000 and 649,999 oo gini, balse isagu waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in kala bar musharkiisa la dhimay oo laga dhigay 250,000-300,000 oo gini.

Ragga caanka ee kamid ka ah wariyeyaasha ugu mushaarka badnaa BBC-da waxaa kamid ahaa Jeremy Vine oo sannadkii mushaar ahaan u qaadan jiray lacag dhan 700,000 ilaa iyo 749,999 oo gini.

Wariyeyaal mushaar dhimista sameeyay
Image captionWariyeyaal mushaar dhimista sameeyay

Sidoo kale tifatiraha BBC-da ee waqooyiga Mareykanka Jon Sopel ayaa sanandkii waxaa uu mushaar ahaan u qaadan jiray lacag dhan 249,999, taaso aad u badan marka loo eego tifatirihii laanta Shiinaha Carrie Gracie oo sannadkii mushaar ahaan u qaadan jirtay 135,000 oo gini.

Madaxda BBC-da ilaa iyo hadda kama aanay hadlin lacaga ay qaadan doonaan weriyaashaasi wixi hadda ka dambeeya, balse war qoraal ah oo ka soo baxay BBC-da ayaa lagu sheegay in BBC-du ay ku faraxsantahay tallaabadan ay weriyeyaasha ku dhimayaan musharkooda.

Warkan ka soo baxay BBC-da aya sidoo kale lagu sheegay in wariyeyashaasi ay yihiin kuwa aad u qiima badan, oo xiriir wannaagsan la leh dhagestayaasha, BBC-du na ay ku faaneyso in weriyeyaal noocan oo kale ah ay ka howgalaan halkaasi.

Mr Vine oo kamid ah wariyeyaasha ogolaaday inay dhimaan musharkooda ayaa mar wax laga weydiiyay sababta uu u ogolaaday inuu dhimo musharkiisa ayaa waxaa uu ku jawaabay sidatan.

”Waxay ila tahay in loo baahanyahay in arrintani wax laga qabto, waan taageersanayahay dumarka aan shaqo wadaaga nahay ee xaqa u leh in la siiyo mushaar lamid ah midka aan qaadano”.

Kadib markii la shaaciyay wariyeyaahsa ugu mushaarka badan BBC-da ayaa waxaa la ogaaday in wariye Chris Evans uu sannadkii mushaar ahaan u qaadan jiray laba milyan iyo laba boqol oo kun oo gini, halka gabadha ugu mushaarka badan ay aheyd Claudia Winkleman oo iyaduna sannadkii qaadata 500,000 oo gini.

Gracie
Image captionGracie

Gracie oo iska casishay shaqadii ay ka heysay laanta Shiinaha ee BBC-da aya haatan dib oogu laabatay qeybta warqabadka ee BBC-da, waxaana ay sheegtay inay fileyso inay hesho mushaar lamid ah midka ay qataan raga lamidka ah.

Gracie oo BBC-da ka soo shaqaysay in kabadan 30 sano ayaa qortay waraaq furan oo ay shirkadda ku dhaliilayso kuna sheegtay in ay leedahay “nidaam mushaar bixin oo qarsoodi ah sharcigana aan waafaqsanayn”, waxaana lagu wadaa inay ka soo hormuuqato guddi xilibaano ah maalinta arbacada, kahor inta xilibaanadaasi aysan la kulmin agaasimaha guud ee BBC-da Tony Hall iyo ku xigenkiisa oo wax laga weydiin doono sinaan la’anta dhanka mushaarka ee shaqalaha.

Xigasho: BBC