Home Wararka Maanta Wariye Axmed Xasan Colaad oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

Wariye Axmed Xasan Colaad oo xalay Muqdisho ku geeriyooday

810
Wariye Axmed Xasan Colaad. Sawirka: VOA

Ehelada Marxuumka ayaa sheegay in Axmed Xasan Colaad uu  maalmihii dambe ku xaniinsanayay magaalada Muqdisho, waxaa uu ku geeriyooday Isbital kuyaala Degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho abaaro  sideedii saac ee saqdii dhexe ee xalay.

Allaha u naxariirtee Axmed Xasan Colaad ayaa ifka ugu tagay 4 caruur ah laba wiil iyo laba gabdhood, maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho.

Axmed Allaha u raxmadee waxaa waxii ugu dambeyey ee Idaacadan uu soo direy ay aheyd Barnaamijka Faaqidaadda Todbaadka ee Jimcadii.

Marxuumka ayaa VOA lasoo shaqeeyey muddadii Laantani Afka Soomaliga ay soo jirtey oo uu wariye uga soo ahaa magaalada Muqdisho.

SONNA

SHARE