Wariyaal u dhashay dalka Ruushka oo gaaraya saddax ayaa lagu dilay dalka jamhuuriyadda Afrikada dhexe sidaas waxaa laga soo xigtay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ruushka.
Wariyaashaan la dilay ayaa la sheegay in ay baaritaan ku hayeen koox lagu magacaabo Wegner oo ah qandaraaslayaal military oo ka hawl gala dalka jamhuuriyadda Afrika dhexe.
Magacyada wariyaasha oo lagu baahiyay barta dabagalka ee TSUR ayaa kala ahaa Orhan Dzhemal, Alexander Rastorguyev iyo Kirill Radchenko.
Dilka wariyaashaan ayaa ka dhacay magaalo 200 km u jirta caasimadda Bangui marka uu xilliga ahaa 9ka habeenimo. Sidaas waxa sheegay darawalkii waday oo sidoo kale sharaxaad uu ka bixiyay weerarka sheegay in rag hubeysan ay duurka uga soo baxeen kaddibna rasaas ku fureen, iyada oo saddaxdii wariye ay isla markiiba dhinteen.
Safaaradda Ruushka ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto waxa dhacay iyaga oo kaashanaya laamaha ammaanka dalka jamhuuriyadda Afrikada dhexe.
Dalka jamhuuriyadda Afrikada dhexe ayaa sanadahaanba ahaa goob ay ku xoogganyihiin kooxaha tan iyo wixii ka danbeeyay afganbigii kooxda Saleka oo markii danbe isku badalay dagaal u dhaxeeya Muslinka iyo Kirishtanka ku dhaqan dalkaas.