Wariyaal ka tirsan Tv-yada Kalsan iyo SBC oo la xukumay

688

Laba suxufi oo ka mid ah saxafiyiinta ka hawlgala magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa maanta Maxkamad ku taalla magaaladaasi ku xukuntay midkiiba laba sanno oo xarig ah.

Labada Wariye ee xukunka lagu riday ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Diiriye Ciiltire oo ka tirsan TV-ga SBC iyo Maxamed C/laahi Xuseen (Dabshid) oo isaguna ka howlgala TV-ga Kalsan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal C/raxmaan Geeddi Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay labadan suxufi ee la xukumay in ay ku cadaatay faafinta warar been abuur ah.

SHARE