Wargeyska Daily Nation oo faallo dheer ka qoray isbeddelada Geeska Afrika

1528

Muqdisho (UM) – Isbeddellada siyaasadeed oo hadda ka socda Itoobiya way ka duwan yihiin kuwii dhacay 1974kii, markii boqortooyadii Xayle Salaase  ciidammadu ay afgambiyeen, iyo 1991kii, markii Ehadeg ( EPRDF) ay ridday taliskii Mengistu Xayle Maryaam. Isbeddellada socda waa kuwo ay ka dambeeyaan  Amxaarada iyo Oromada – labada qowmiyadood oo ah kuwa ugu tirada-badan Itoobiya isla markaasna dareemaya inaysan wax tallo ah ku laheyn hanaanka awodeed, maamul iyo siyasadeed ee Itoobiya ku dhawaad 30 kii sanno ee la soo dhaafay.

Iyadoo ay isbeddello ka socdaan Gobolka Geeska Afrika ayaa warbixin arrintaasi lagu eegayo waxaa qoray Wargayska Dail Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin xasaasi ah oo ku saabsan shirka sadex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya.

Qoraaga warbixintan, PETER KAGWANJA ayaa Lateliye Sare u ahaan jiray Dowladda Kenya, haatanna waxa uu madax ka yahay Machadka Siyaasadda Afrika.

Peter ayaa warbixintiisa ku sheegay in isbadalka siyaasadeed ee ka socda Gobolka Geeska Afrika uu salka ku hayo qowmiyad iyo is-bahaysiyo taariikh hore, dadka Soomaaliyeedna ay udub dhexaad u yihiin isbahaysigaas.

Qoraaga ayaa si qoto dheer u tilmaamay in isbahaysigii hore ee Gobolka ka jiray ee ku salaysnaa midowga qowmiyadaha Baantuuga iyo Amxaarada oo ay ku mideysnaayeen Maamulka hore Itoobiya, dowladdaha Kenya iyo Uganda uu gabbalkiisu sii dhacayo, tan iyo markii talada dalka Itoobiya uu la wareegay Raiisul Wasaare Abay Axmed.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in isbahaysiga cusub ee Gobolka uu yahay mid salka ku hayo Kooxaha asalkoodu yahay Kushite oo ah (Soomaalida, Oromada iyo Canfarta).

PETER KAGWANJA ayaa ugu danbeyntii saadaaliyey in isbahaysiga noocaan oo kale ah uu yahay midka kaliya ee soo afjari kara dagaalka dabo dheeraaday ee lagula jiro Alshabaab, sidoo kalena xoojin kara maqaamka iyo dib u kabashada Soomaaliya.

Dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa hore u lahaa isbaaheysi ku dhisan afkaarta fikirka “Bantuunimo” midkaas oo sal u ahaa heshiiskii ay labadda gaareen sanadkii 1963 oo qeexayey inay iska kaashadaan arrimaha difaaca iyo gashaandhiga. Sida uu qoray aqoonyahankan Kenya u dhashay, hore u ahaa xubin ka tirsan dowladda Kenya, waxaa muuqata in isbaaheysiga cusub ee Soomaalidda, Oromoda iyo Canfarta uu yahay mid nabad iyo xasilooni u horseedi kara geeska Afrika madaama ay qowmiyahdani saameyn weyn oo bulsho iyo mid dhaqaale ku leeyihiin dalalka Geeska Afrika ee ay ku kala nool yihiin.