MUQDISHO (UM) —Dagaalo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Khamiis ah magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen ay ku dhex mareen dagaalyahno kala taabacsan Kooxda Xuuthiyiinta iyo Madaxwaynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax.
Telfiishanka AlJazeera, laantiisa afka Ingiriiska oo soo xiganaysa ilaha caafimaadka ayaa Ku warantay in dagaalka maanta ay Ku geeriyoodeen dad ka badan Toban ruux.
Dadka dhintay ayaa isugu jira dad Rayid ah iyo dhinacyadii dagaalka dhex maray.
General People’s Congress (GPC) oo ah xisbiga Madaxwaynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa sheegay in dagaalka ay uga geeriyoodeen Afar qof.
Xiisadaha ka dhex aloosan Xuuthiyiinta iyo Maleeshiyaadka Taageersan Cali Cabdalla Saalax, ayaa muddooyinkan cirka isku shareeray ayadoo labada dhinacba ay eedaymo isu jeedinayaan.
Dagaalka maanta ayaa keenay kala shaki iyo is-aaminaad la’aanta korortay ee labada dhinac u dhaxysa.
Sarkaal u hadlay xisbiga Mr. Saalax, ayaa sheegay in kooxda Xuuthiyiinta ay wadaan inay af-gami sameeyaan.
Xuuthiyiinta, ayaa dhankooda sheegay in Cali Cabdalla Saalax uusan u firfir-coonayn dhaqan galinta heshiiska hore labada dhinac u dhex-maray.
Xuuthiyiinta iyo xisbiga Sare ee dalka Yemen oo uu leeyahay Saalax ayaa horay kitaabka Qur’anka Kariimka ah isku dhaariyay taasi oo ah in midba midka kale aanu khiyaanin.
Saalax iyo kooxda Shiicada aan Mayilka adkayn ee laga Taageero dalka Iiraan ayaa horay u ahaa kuwa Caalamka isugu nacayb, hase ahaatee waxaa rumowday maah-maahda oranaysa ” Cadowgaaga Cadowgiisa waa Saaxiibkaaga” ka dib markii ay Ku heshiyeen inay dalka ka eryaan dowladda Caalamka uu aqoonsan yahay ee madaxda uu ka yahay Cabdu-rabuu Mansuur Haadi.
Arintan ayaa dalka Yemen galisay qalalaase aad u adag, waxaana dalkaasi ay dagaallo ka jiraan sanadihii aynu soo dhaafnay.
Tan iyo 2015-kii oo ay qulqulatooyinka ka bilowdeen dalka Yemen, waxaa geeriyooday dadka kor u dhaafaya 8,670 qof halka 49,960 qofna ay dhaawacmeen, sida QM ay sheegtay.
Dagaallada iyo Cuno-qabataynta Yemen ay kusoo rogeen dalalka Sacuudiga uu hogaamiyo ayaa sidoo Kale waxaa ay keentay in 20.7 Milyan (Labaatan Milyan iyo Toddobo boqol oo kun) oo reer Yemen ah ay u baahnaadaan gargaar deg deg ah.
Yemen, waa dal ay ka jiro musiibo bani’aadanimo tan ugu daran Caalamka, sida QM ay sheegtay.
Kow iyo Tobankii daqiiqaba cunug Yemeni ah ayaa dhinta sababo la xiriira duqaymaha iyo cudurka shuban biyoodka kaasi oo tan iyo bishii April oo Kali ah dilay dad gaaraya 2,211 oo qof.