Dalka Indonesia, oo ah dalka ay Ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan ee Caalamka ayaa mararka qaar ka dhaca weerarada Ismiidaaminta ah si la mid ah dalalka kale ee Adduunka.
Haddaba, maanta oo ah maalin Axad ah waxaa dalkaasi Indonesia ka dhacay weeraro kala duwan oo ay fuliyeen dad isa soo miidaamiyay, ayadoo markan weerarada ay ka duwan yihiin kuwii hore marka loo eego sida loo fuliyay iyo dadka fuliyay.
Goobaha la weeraray iyo dadka fuliyay
Mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka dalka Indonesia ayaa sheegay in weerarada ay ahaayeen kuwo ay fuliyeen dad ismiidaamiyay kuwaasi oo siyaabo kala duwan u weeraray Saddex Kaniisadood.
Kaniisadaha la weeraray ayaa Ku yaala magaalada Saddexaad ee ugu wayn dalkaasi Indonesia oo la yirahdo Surabaya, waxaana 800 oo kiilo miitir ( 497 Miles) ay u jirta magaalada Caasimadda ah ee Jakarta.
Weerarka waxaa si wadajir ah u fuliyay dad ka soo jeeda hal qoys, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha booliiska weerarka ka dib.
Wiil iyo Aabihiis ayaa qaaday weerarka hore halka 2 Carruur ah oo da’doodu ay ka yer tahay 10-sano ay qaadeen weerarka labaad.
Labo wiil oo da’dooda lagu sheegay 16-sano oo ay dhaleen Aabaha weerarka hore qaaday iyo Hooyada Kaniisadda labaad isku qarxisay ay ayaguna fuliyeen weerarka Saddexaad.
Qasaaraha ka dhashay weerarka
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada weerarka ka dhacay ee Surubaya, ayaa sheegaya in dad ka badan 13 qof ay Ku dhinteen weeraradaasi.
Waa weerarkii ugu xumaa oo dalka Indonesia ka dhaca tan iyo 2000 xiligaasi oo weeraro bambaano lagu dilay in ka badan 15 qof halka Ku dhowaad 100 kalena ay Ku dhaawacmeen.
Muxuu ka yari Madaxwaynaha dalka Indonesia?
Madaxwaynaha dalka Indonesia Joko Widodo, oo weerarka ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay qaadi doonto weeraro lagu burburinayo xarumaha kooxaha wax uu ugu yeeray Argagaxisada.
” Tani waa ficil naxriis la’aan ah oo ka baxsan bani’aadanimada, sababtay inay dhibanayaal noqdaan bulshada, Booliiska iyo waliba carruurta masaakiinta ah” ayuu yiri madaxwaynaha Indonesia oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
“Waxaan u socnaa inaan burburino xaruma kooxaha Argagaxisada iyo taageerayaashooda. Argagaxisada waa kuwo cadow ku ah dhammaan diimaha kala duwan ee caalamka” ayuu intaasi raaciyay.
Tindakan terorisme sungguh biadab. Korbannya anggota masyarakat, anggota kepolisian, bahkan anak-anak. Kita akan hancurkan basis pelaku dan para pendukungnya. Terorisme adalah musuh bagi semua agama -Jkw pic.twitter.com/iFLOW93KZ3
— Joko Widodo (@jokowi) May 13, 2018
Madaxwaynaha ayaa sidoo kale booqday kaniisadaha la weeraray isagoo tilmaamay in Qaranka Indonesia iyo dadkiisa ay u midoobeen la dagaalanka Argagaxisada.
Mengunjungi Gereja GPPS di Jalan Arjuno Surabaya yang baru saja menjadi sasaran bom teroris. Kita seluruh bangsa Indonesia, bersatu melawan terorisme -Jkw pic.twitter.com/c4VebP1LmA
— Joko Widodo (@jokowi) May 13, 2018