Warbixin: Itoobiya oo Xabsiyada ka sii daynaysa 528 qof

911

Dacwad-oogaha guud ee dalka Itoobiya ayaa  ku dhawaaqay in la baab’in doono dacwado ka dhan ah maxaabiis gaareysa 528 ruux oo  ciidanka amnigu ay  xireen.

Xiritaanka dadkan ayaa dhacay intii ay socdeen bannaanbaxyo waaweyn oo sanadkii hore gilgilay magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Itoobiya.

Bannaanbaxyadaasi ayaa looga soo horjeeday dowladda Itoobiya ka dib markii ay soo bandhigtay qorshe lagu ballaarinayo caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa.

Dadka banaanbaxayay ayaa u badnaa dadka Ku nool maamulka Oromada dalkaasi, inkastoo markii dambe dibad-baxyadu ay Ku ballaarteen  dhulka maamulka Amxaarada.

Dadka ayaa qorshaha dowladda u arkayay qorshe xukuumadda Addis Ababa ay Ku baabi’in rabtay dhul beereed Ku yaala meel aan ka fogayn magaalada Addis Ababa.

Dhamaan dadka dacwadahooda la laalay ayay dowladdu sheegtay in ay  dib u heli doonaan xorriyaddooda sacadaha soo aadan.

Dalka Ethiopia, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika ayaa ka mid ah dalalka Dunida Saddaxaad ee dhaqaalohooda aad u korayay sanadihii la soo dhaafay.

Haddaba banaanbaxyada ka dhacay dalka qaddiimiga ah ee Ethiopia ayaa keenay in dhaqaalaha dalkaasi uu hoos u dhacay 8%, ayadoo kororka dhaqaalaha markii hore sanadkiiba uu ahaa 10%.

Xukuumadda ayaa hoos u dhaca dhaqaalaha waxaa ay u aanaysay abaarihii dalkaasi Ku dhuftay ayadoo xaqiiqadu iyo  sababtu ay tahay  dibadbaxyada muddo lagu qiyaasay 2 sano   ka socday Ethiopia.

Guddi xukuumadda Addis Ababa gacansaar la leh oo xuquuqda Aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa sheegay in intii rabshaduhu ay socdeen la dilay 670 qof.

Dowladda ayaa banaanbaxyada ka dib dalkaasi Ku soo rogtay xaalad deg deg ah (National Emergency) kaasi oo markii hore baarlamaanka meel mariyay inuu socdo muddo 6 blood.

Xaaladda deg dega ah ka sokow dowladda ayaa aad u dhintay xawaaraha internet-ka, tallaabadaasi oo hay’adaha xuquuqda aadanaha ay cambaareeyeen.

Ethiopia, waxaa Ku nool 102.5M oo qof, kuwaasi oo 4.3M (Afar Milyan iyo Saddex boqol oo kun oo qof) ay isticmaaleen internet-ka, sida aan ka soo xiganay BBC qaybteeda daba-galka  (BBC Mongering).

Waxaa sidoo kale la cadaadiyay baahda qalabka warbaahinta kuwaasi oo la kulmay cabsi aad u xoogan.

Tallaabada warbaahinta lagu xaddiday ayaa dowladda waxaa ay Ku doonaysay ka hor tagga korarka rabshada dalkaasi ka socday.

Guddiga u dooda xuquuqda warbaahinta ee fadhigiisu yahay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Wariyaasha aan Xudduudda lahayn ( reporters Without Borders) ayaa ku waramay in dalka Ethiopia uu yahay dalka loogu xaddidista badan yahay marka loo eego waddamada Afrikaanka ah ee ka hooseeya Saharaha.