Warbixin: Imaaraadka oo xadgudub ku haya cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya

155
Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa xumaaday kaddib markii dowladda Soomaaliya go'aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhexdhashay Imaaraadka, Sacuudiga iyo dowladda Qatar. Sawirka: Google

Warbixin cusub oo ay soo saareen guddi khubaro ah oo ka socda guddiga xayiraadda hubka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka Carabta (UAE) ay sii wado ku xadgudubka cunaqabateynta hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya, sida ay qortay Al Jazeera oo soo xigganaysa nuqul ka mid warbixinta oo ay heshay.

Warbixintan, oo aan welli la sii dayn, ayaa sheegaysa in Imaaraadka Carabtu bilaabeen dhisme saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, oo ay ku jiraan kala iibsiga qalab millatari inkastoo ay jiraan go’aano caalami ah oo ka soo horjeeda kala iibsiga agabka nuucan oo kale ah oo hore loogu soo rogay Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa bilowday dhismaha saldhiggan sannadkii hore, iyada oo heshiis la saxiixatay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Somaliland.

Imaaraadka Carabta ayaa maalgashanaysa horumarinta dekedda Berbera, oo ah meel istiraatiiji ah oo ku dhaw Yemen, halkaas oo ciidammada Imaaraadku ay ka dagaalamayaan iyaga oo qayb ka ah xulufada Sacuudi Carabiya ee ka dhanka ah mucaaradka Xuuuthiyiinta Yeman tan iyo sannadkii 2015.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaadaan dhismaha saldhiga Imaaraadka ka wado Somaliland.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in guddiga khubaradda ah ee Qaramada Midoobay aan wax jawaab ah ka helin mas’uuliyiinta Somaliland markii la weydiistay in ay u hoggaansamaan xayiraadda cunaqabataynta hubka.

Markii ay guddigu ka codsadeen dowladda Imaaraadka in ay soo bandhigaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhismaha saldhiga, jawaabtu waxay ahayd: “Imaaraadku waxay soo afjartay dhammaan heshiisyada gobollada Soomaalida oo ku salaysan awooddaha dastuuriga ah ee loo dhiibay madaxda gobollada si loo gaaro amniga, xasiloonida iyo barwaaqada Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo dadkeeda.” ayaa warbixinta lagu xusay.

Xigasho: Al Jazeera

SHARE