Codeynta Xisbiga Jamhuuriga oo dhaceysa bishaan laguna dooranayo shakhsiga ku metalaya tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa warbaahintu waxay ka noqon doontaa dibadjoog aan loo oggolaan doonin in ay tabiyaan.
Afhayeen u hadlay shirweynaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegtay in arrintaan ay sabab u tahay habraacyada cudurka Corona Fayras sida ay ku warantay wakaaladda wararka AP.
Ergooyinka Xisbiga Jamhuuriga ayaa lagu wadaa in ay iskugu yimaadaan Gobolka North Carolina si mar labaad ay si rasmi ah u xushaan Trump. Ergada oo ka kooban 336 ayaa 24 bishaan Agoosto ku kulmaya magaalada Charlote.
Ergooyinka oo metalaya 2500 oo qof ayaa u codeyn doona in Trump oo ah qofka kaliya ee u taagan magacaabista Xisbiga Jamhuuriga uu mar labaad xisbiga ku matalo tartanka doorashada.
Kulan weynahaan ayaa wax badan ka duwanaan doona kulamadii hore oo si weyn u soo jiidan jirtay warbaahinta