Shirkii dib u heshiisiinta beelaha dega deegaanada Galmudug oo maanta lagu waday in uu ka furmo magaalada Dhuusamaeeb ayaa mar kale dib u dhac uu ku yimid sababo farsamo dartood. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in shirku uu u baaqday maadaama wali uusan soo dhammaan shirka ka socda magaalo xeebeedka Hobyo oo shir uu uga socdo beelo ka mid ah beelaha dega Galmudug.
Shirka magaalada Hobyo ayaa lagu wadaa in la soo gababageeyo maalmaha soo aaddan iyada oo la dooran doono hoggaanka siyaasadda beesha Habargidir oo shir uga socdo magaalada Hobyo. Marka uu soo dhammaado shirka iyo doorashada hoggaanka ayaa waxa ay beesha ku shirsan madaxda ay doortaan tagi doonaan maalmaha soo aaddan magaalada Dhuusamareeb ee gogoshu taallo. Ergada rasmiga ah ayaa waxa soo diri doona beelaha ku shirsan magaalada Hobyo iyaga ayaana si rasmi ah uga qayb gali doona shirka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo ku maqan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow in uu ku dhawaaqo guddiga doorashada Galmudug. Arrintaas ayaan wali se si rasmi ah loo xaqiijin, waxaa se jira in madaxweyne Xaaf uu saluug badan ka muujinayo sida ay wax u waddo wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka oo hadda gacanta ku heysa shirka iyo qabanqaabadiisa.
Qaybta Ahlu sunnah ee gaareysa 30 xildhibaan oo ka mid noqon doona baarlamaabka cusub ee Galmudug ayaan wali si rasmi ah dowladdu ugu dhawaaqin. Ilo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijiyay in qoondada Ahlu sunnah lagu waday in Ra`iisul Wasaare Kheyre uu uga dhawaaqo shirka maanta baaqday ee ka dhici lahaa magaalada Dhuusamareeb. Ilaa iyo hadda ma cadda in Ahlu sunnah qoondada ay heli doonaan iyo reeraha dib loogu celin doono.
Galmudug ayaysan arrimaheeda wali dhinac u dhicin waxaana ilaa iyo hadda la ogeyn musharaxa dowladdu ay gadaal ka riixeeyso. Musharixiin kale ayaa ku dhawaaqay in ay doonayaan qabashada xilka madaxweynimada maamul Goboleedka Galmudug.

























