Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab ka kacay guri ku yaalla Magaalada Hargeysa kaasi oo dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dabkan ayaa kadhashay koronto guriga ka kacday, waxaana ku dhintay 4 caruur ah sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay Hooyada dhashay 4 Caruur ee dabka ku dhintay.
Maxamed Ismaaciil Daahir oo ah Aabaha dhalay Caruunta oo Warbaahinta kula hadlay Isbitaalka Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dabkan uu ka dhashay koronto.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xaaskiisa ay hada ku sugan tahay Xaalad adag isla markaana ay meelo badan oo jirkeeda ah ay ka gubatay.
Taliyaasha Ciidanka Booliska maamulka gooni isu-taaga ah ee Soomaaliland ayaa sheegay inay baaritaan ku hayaan dhacdadan qasaaraha badan dhalisay.