Muqdisho – Waxaa magaalada Garowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland lagu soo gabagabeeyay shir labo maalin socday oo ay ka qeybgaleen madaxda labada Maamul ee Puntland iyo Jubbaland.
Shirkaan ayaa looga hadlay arrimo dhawr oo ay ugu muhiimsanayd,qoddobada ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 3 iyo arrimo Doorashooyinka Qaranka.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen waxa ay ku sheegeen in intii shirku u socday ay telefoon kula hadleen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada kale iyadoo lagu ballamay in shir kale la isagu yimaado magalaada Muqdisho si heshiis la isla oggol yahay looga gaaro arrimaha Doorashooyinka dalka.
Hoos ka akhriso War-Murtiyeedka ka soo baxay shirkii Garoowe ee Puntland iyo Jubbaland.