Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay Shirkii u dhaxeeya Madaxda maamul goboleedyadda.
Shirkaas ayaa waxaa inta badan laga muujinayey walaac maadaama xubno ka mid ah madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda.
Warmurtiyeedka laga soo saaray shirkaas oo dhowr qodob ka kooban ayaa waxaa ka mid ahaa in dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay taakuleynta Ciidamada Maamul Goboleedayda si ay door ugu yeeshaan la-dagaalanka Al-Shabaab.
Sidoo kale qodobada lagu soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa dhameystirka heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna.
Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhammeytiran