Waqooyiga Kuuriya oo Dhoolatus Milateri samaysay

1019

Waqooyiga Kuuriya ayaa sameesay dhoolatus Milateri, maalin ka hor furitaanka Ciyaaraha qaboobaha ee Olambikada ee labada Kuuriya dhexmari doono.

Waqooyiga Kuuriya ayaa had iyo jeer samaysa dhoolatus ama bandhig ciidan balse wararka ayaa sheegaya in arrintani ay soo baxday kaddib markii la arkay ay soo baxday in la qabtay  dhoolatuska.

 Inta badan munaasabadan ayaa caadiyan la qaban jiray bisha Abril ee sanad kasta hase yeeshee waxa u muuqataa in laga soo hormariyay si loogu soo dhaweeyo ciyaaraha qaboobaha ee Olambikada.

 Koofurta Kuuriya ayaa ku dhawaaqday Khamiistii in madaxweynaha Koofur Kuuriya uu la kulmi doono wafdiga ka socda ee Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweyne  Moon Jae-in ayaa kulan qado ah la yeelan doono koox ka socota Waqooyiga Kuuriya oo ka kooban 22 oo ay ku jiraan madaxa hogaaminaya wafdiga Waqooyiga Kuuriya , Kim Yong-nam, iyo Kim Yo-jong, gabadha saamaynta badan ee la dhalatay Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un.