Kismaayo – Waxaa gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan.
James Swan, wakiilka Qaramada ee Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ma mid ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan. Waxaa uu sidoo kale salaan sharaf garoonka uga qaatay ciidanka Kenya ee ka tirsan hawlgalka AMISOM.
Wakiilka Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa loo galbiyay Aqalka Madaxtooyada Jubbaland halkaas uu kulan kula yeelan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda.
Safar uu Kismaayo ku tagay James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobeey ee Soomaaliya kuwa la mid ah horrey u tagay, Baydhabo, Garoowe, Dhuusamareeb iyo Jowhar isagoo kulamo looga arrinsanayo arrimaha Doorashooyinka la yeeshay madaxda dowlad Goboleedyadaaan.
Sidoo kale, shalay ayuu qayb ka ah safiirada Beesha Caalamka ee Madaxtooyada Villa Somalia kula kulmay Madaxweyne Farmaajo si looga wadahadalo arrimaha Doorashooyinka iyo muranka ka taagan.