Wakiilka QM ee Soomaaliya oo Dhuusamareeb kula kulmay Madaxweynaha Galmudug

267

Dhuusamareeb: Waxaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobeey u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo  Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku  wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Gud. Xigeenka Baarlamaanka GM iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug.

Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee kasocda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo ismari waaga ka taagan arrimaha Doorashooyinka dalka.

Ugu danbeyntii, shirka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah iyo in arrimaha muran ka taagan laga wadashaqeeyo sidii xal looga gaari lahaa.

SHARE