Garoowe – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa magaalada Garoowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland kulan kula yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Kulanka magaalada Garoowe ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo wakiilka Qaramada Midoobay ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka kaddib ayaa waxaa si wadajir ah war Saxaafadda ula hadlay Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Qaramada Midoobay.
“Maanta waxaa Garoowe Nagu soo booqday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey, runtii waxaan uga mahadcelinaynaa sida UN-ku ay mar walba Soomaaliya u garab taagan yihiin dhinaca horumarka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amnigaba, waxaan ka wada hadalnay arrimo badan oo khuseeya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga intaba, waxaan uga mahadcelinaynaa hawlaha badan ee hay’addaha UN-ka ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland oo runtii muddo dheer soo socdey haddana maraaya meel aad u fiican, waxaan isla eegnay meelaha u baahan in la sii horumariyo oo horumarka laga gaadhay, meelaha u baahan in habkii loo wadey waxlaga bedelo intaba waxaan ka yeelanay aragti fiican” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa xusay in Puntland diyaar u tahay ka qayb qaadashada geeddi socodka siyaasadda, Amni, iyo Dhaqaalaha dalka, heeganna mar-walba u tahay ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey Soomaaliya James Swan ayaa dhankiisa bogadiyey horumarka balaadhan ee ay Puntland ka gaartay dhanwalba.
“Kuwani waa tusaaleyaal xooggan oo muujinaya sida ay Puntland uga go’an tahay hirgelinta horumar dhaqaale iyo mid bulsho iyo weliba hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda, taas oo aan aad u bogaadinayno. Muddadii aan ku jirnay booqashadeenna Puntland waxan muujinay sida ay muhiim u tahay iyo bulshadu hesho nabad iyo ammaan. Puntland waxan aad ugu bogaadinaynaa hawlgallada ay waddo ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo weliba adeegsanayna keliya ciidamadeeda iyo dhaqaalaheeda gaarka ah. Ayuu yiri Wakiilada QM.