Wakiilka IGAD ee Soomaaliya oo kismaayo kula kulmay tirro xildhibaanno ah

791

Wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD oo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland u jooga si ay ugu kuur galaan habsami u socdka doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta la kulmay Xildhibaanada labada Aqal ee federaalka ah oo deegaan doorashadoodu ay tahay Jubbaland.

Wafdigan oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Guyow ayaa Xildhibaanadan ka dhagaystay aragtidooda ku aadan sidii ay Jubbaland uga dhici lahayd doorasho ay ku kalsonaan karaan musharixiinta kala duwan iyo dhamaan bulshada ku dhaqan degaamada Jubaland. 

Xildhibaanada ayaa wafdiga IGAD ayaa is dhaafsaday aragtiyahooda ku aadan suurtagalinta doorasho ku dhacda jawi nabadeed iyo nidaam doorasho la isku raacsanyahay.

Xildhibaanada qaarkood ayaa wafdiga IGAD u sheegay in dadka reer Jubbaland ay ka wadashaqeynayaan danaha degaamadooda loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo dhib kala dhex kara bulshada taas oo dib ugu celin karta maalmahii madoobaa ee ay kasoo gudbeen sida ay hadalka u dhigeen.

Image may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: one or more people and people sitting