Dadka Sierra Leone ayaa u dareeray goobaha codbixinta, waxa ayna dooranaan maanta madaxweynaha cusub ee dalkaasi, kaddib markii doorashadan dib loo dhigay horraantii toddobaadkaan.
Tartanka doorashada ayaa u dhaxeeya hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka Julius Maada Bio, kaasi oo guul weyn kasoo hooyay codadkii la dhiibtay wareeggii koowaad ee doorashadan, markii la barbardhigo musharaxa sida weyn u la loolamaya ee xisbiga tallada haya ee Sumura Kamara.
Weriye ku sugan magaalada Freetown ayaa sheegeya in tani ay tahay tartankii madaxtinimo ee ugu adkaa ee ka dhacay Sierra Leon, tan iyo markii nidaamka dimoqaraadigga ah uu qaatay dalkaan ku yaalla galbeedka Africa 22 sano ka hor.
Codbixintaan ayaa imaaneysa kaddib markii aanan lagu kala adkaan natiijada codbixintii dhacday horaantii bishaan, taasi oo 16 murashax oo tartameyay uusan midna helin aqlbiyad buuxda.
Natiijada codeynta doorashadan ayaa la filayaa in ay soo baxdo toddobaadka soo socda.
Diyaargarowga loogu jiro wareega labaad ee doorashada ayay ahayd inuu qabsoomo asal ahaan salaasadii lasoo dhaafay, balse waxaa si kumeel gaar ah u hakisay maxkamdda saree e dalka kaddib markii ay soo baxeen eedeymo ah in doorashada lagu shubtay wareegii koowaad.