Wafdi uu ka mid yahay Mukhtaar Roobow oo gaaray Xudur

1063

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan kusoo biiray dowladda Soomaaliya horayna uga tirsanaan jiray dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa maanta gaaray Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Safarkiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Hore ee Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Gooni, Xildhibaano iyo Xubno kale oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Maamulka gobolka Bakool ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada Xudur Sheekh Mukhtaar Roobow.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu u tagay gobolka Bakool, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kulamo la qaadan doono maamulka Koonfur Galbeed.

Mukhtaar Roobow, waxaa lagu Wadaa in meel fagaaro ah uu kula hadlo dadwaynaha magaalada Xudur ee xarunta gobalka Bakool.

Tan iyo bishii August oo Mukhtaar, dowladda uu isu soo dhiibay Waxaa uu Ku sugnaa magaalada Muqdisho oo kulamo Kala duwan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu ka mid ahaa dadkii wax ka aasaasay dhaqdhaqaaqa al-Shabaab isagoo mar ahaa Ku xigeenka madaxa al-Shabaab.