Muqdisho – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhawayd u ambaxay dalka Jabuuti halkaasi oo ay uga qeybgalayaan wadahadallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Wafdiga dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha.