Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta, Wasiiru dowlaha Waxbarashada, Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.
Madaxweynaha Masar Abdul Fatah Al Sisi ayaa horay Madaxweynaha Soomaaliya ugu casuumay dalkiisa in booqasho rasmi ah ku tago kaddib markii ay bishii May ee sanadkan isku arkeen shir ka dhacay dalka Sacuudiga.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya, iyadoo Masar ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa la filayaa in maalinta berri oo isniin ah la kulmaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Qaahira.
Masar ayaa ka mid ah dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee horay xiriirka ugu jray dowladda yar ee Qatar, ayadoo dowladda Soomaaliya ay qaadatay mowqif dhex-dhexaadnimo ee Ku aadan khilaafka dalalka Khaliija Carabta.