Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiye Jawaari oo gaaray Baydhabo

1016

Muqdisho (UM) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawari iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo ay weliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loogu soo dhaweyay mgaalada Baydhabo ee caasimada ku meel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Wafdiga uu hogaaminayo Guddoomiye Jawari ayaa magaalada baydhabo uga qeybgali doona kulan halkaasi uga furmaya Guddoonka Golayaasha Sharci-dejinta ee dalka, shirkaan Golayaasha sharci dajinta dalka ayaa ah kulankii affaraad oo ay yeeshaan Guddoonka Golayaasha Sharci-dejinta.

Sidoo kale waxaa mgaalada Baydhabo maanta gaaray wafdiyo ay hogaaminayaan Guddoomiyaasha Golayaasha Sharcidejinta ee dalka kuwaasi oo ka qeybgalaya Shirka la filayo in uu magaalada Baydhabo ka furmo berri.