Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray degmada Doolow ee Gobalka Gedo.
Wafadiga wasiirka shalay galankii dambe sidoo kale tagay magaalada Beled-xaawo ee gobalka Gedo iyaga oo booqday xadka kala qaybiya Soomaaliya iyo Kenya iyo goobaha la sheegay inay ku soo xad-gudbtay dowladda Kenya.
Wasiir Juxa wafdigiisa oo booqday xadka ayaa waxaa ka mid ayaa dad khubaro ah oo Ku xeer-dheer arimaha xadka.
Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa ay dhageysteen dadka reer Beled-xaawo kuwaas oo Juxa uga war-bixiyay sida ay wax u jiraan.
Intaasi ka dib wafdiga wasiirka arrimaha Gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay galankii dambe dib ugu soo laabtay degmada Doolow.
Shalay ayey aheyd markii golaha shacabka soo saareen qodobo muhiim u ahaa arrimaha xadka.
Guddiga waxaa uu arkey in xiriir ha ujeeda ah uu ka dhaxeeyo soo gelitaanka ciidamada Kenya ee Balad Xaawo ay u soo galeen arrimo la xiriira dariga iyo muranka badda.
Guddiga waxaa uu cambaareeyay isku-day dhul boob oo ay wadaan Kenyaaka.
Guddiga waxaa uu boggaadiyay shacabka Beled-xaawo oo si geesinnimo leh uga hortagay taangiyada Kenya.
Xukuumadda waxaa loogu baaqay in ka bixiso jawaab mas’uuliyeed , loona diro guddi wasiirro ah iyo goleyaasha baarlamaanka.
Guddiga waxaa ay arrinta Beled-xaawo u qabteen guddi ka kooban 5 xubnood oo la socon-doona xaalada Beled-xaawo.