Wafdi ka socda dalka Turkiga ayaa lagu wadaa in ay shanta bisha Febraayo tagaan dalka Mareykanka, si ay wadahadalo la xiriira xaaladaha Suuriya ula yeeshaan dowladda Mareykanka.
Wafdiga waxaa horkici doona wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Turkiga Sedat Onal, waxayna dowladda Mareykanka kala hadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Suuriya, dagaalka ka dhan ah kooxda wadaadka Fetulah Gulaan iyo PKK.
Dalka Turkiga ayaa waxaa dhawaan booqday saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Trump kuwaas oo wadahadallo la xiriira ka bixitaanka ciidanka Maraykanka Suuriya la yeeshay saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga.
Turkiga iyo Mareykanka ayaan wali isla meel dhigin sida ay noqonayaan goobaha uu Mareykanku ka baxo iyo cidda maamuleysa.
Turkiga ayaa ku adkeysanaya in kooxda YPG ee kurdishka ay deegaanadaas iskaga baxdo,iyada oo Mareykanka uu xulufo la ah kooxda YPG ay diidanyhiin arrintaas.
La taliyaha maxaweynaha Maraykanka ee dhanka amniga John Bolton ayaa dhawaan sheegay in ka bixitaan Mareykanka ay shuruudo ku xiranyihiin, shuruudahaasna ay ka mid tahay in Turkigu aysan wax dhib ah u geysaneyn kooxda Kurdishka oo si weyn ugu xooggan xuduudda Suuriya iyo Turkiga.