Wafdi ka socda QM oo Garowe kula kulmay C/wali Gaas

751

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 May 2018 ayaa waxa uu qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hogaamineyey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq.

Weftigan balaaran ee uu hogaaminayey Peter De Clercq ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa xafiiska (OCHA) Mr. Justin Brady iyo Agaasimaha ROLSIG (UNSOM) Mr. Staffa Tillander iyo sidoo kale saraakiil ka tirsanUnsom iyo UNDP.

Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulanka uu maanta la qaatey ku-xigeenka xog-hayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Peter De Clercq waxaa uu ugaga mahad celiyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyadoona madaxweynuhu sheegay in ay Puntland wada shaqayn dhow la leedahay Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala geeska afrika iyo guud ahaanba dalalka caalamka.

Kulankan maanta uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay Mr. Peter De Clercq ayaa waxaa uu ku saabsanaa arimaha bani’aadanimda iyo xuquuqda dadka tabaalaysan ee reebobka duufaanada wata iyo abaaruhu aafeeyeen, kuwaas oo roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay soomaaliya iyo wadamo badan oo deriska ah barakac baahsan iyo waxyeelo u geysteen.

Mr. Peter De Clercq ayaa dhankiisa sheegay inuu aad iyo aad ugaga mahad celinayo kulanka uu kulaqaatay Madaxweynaha Puntland xafiiskiisa iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Puntland, isagoona dhinaca kalena uu sheegay inuu soo maray gobolada waqooyiga Soomaaliya oo iyagana duufaanadii iyo roobabkii ka da’ay todobaadkii lasoo dhaafay khasaare baaxad leh oo naf iyo maal ahba u geysteen.