Wafdi ka socda Kenya oo Kismaayo tagay

55

Kismaayo – Wafdi uu hoggaaminayo Aadan Barre Ducaale hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa gaaray magaalada Kismaayo si uu uga qayb galo caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dad kale ayaa garoonka magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Aadan Barre iyo wafdigiisa oo ka soo kicitamay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan heyadda duulista hawada ayaa amar ay xalay soo saartay waxay ku mamnuucday diyaaradaha sida tooska ah uga imaanaya Kenya ee gaaraya magaalada Kismaayo.

Lama oga in diyaaraddaan ay raacday amarkii dawladda iyo in kale.

SHARE