Guddiga Dastuurka Ee Baarlamaanka JFS oo ay wehliyaan Wasaarada dastuurka iyo guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa Maanta gaarey Magaalada Jowhar ee xarunta dawlad goboleedka Hirshabelle.
Ujeedada safarka ayaa ah wadatashi ku saabsan Geedi Socodka dib u eegista Dastuurka.
Guddiga dastuurka ayaa waxaa hogaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Mudane Cabdi Xassan Cawaale (qeyb-diid) waxaana la filayaa inta ay joogaan Magaalada jowhar in ay la kulmaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Ugu danbayntii Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mudooyinkii ugu danbayay waday howlo lagu dardargalinaayo wadatashiyada lala yeelanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada.