Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi ka ka socoday Hay’adda lacagta Adduunka ee The International Monetary Fund (IMF).
Kulankaasi ayaa daba-socday dadaalada dowladda Soomaaliya deymaha looga cafinayo,sida lagu sheegay qoraal ay soo saaraty IMFta.
Labada dhinaca ayaa kawada hadlay horumarada dhinaca dhaqaalaha ah iyo isbedelada kajira Soomaaliya iyo hergelinta waxyaabihii horey loogu heshiiyay ee ahaa shuruudaha keeni kara in Soomaaliya laga cafiyo deymaha ayna hesho kaalmo Caalami ah.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey uga dhawaajiyay in ay hayaan dadaalkeeda iyo in dalka laga cafiyo deymaha si lacago cusubna loo soo daaboco.
Waxaa sidoo kale kulanka qayb ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi, guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday xafiisyada madaxtooyada iyo Xukuumadda.
Wafdiga ka socday hay’adda lacagta adduunka (IMF) oo uu hoggaaminayay Maxamed el-Hage ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya dadaalkeedi ku aadan buuxinta shuruudihii looga baahnaa ee nidaamka caalamiga ah, isagoo xusay in dowladdu ay ku guuleysatay islamarkaana ay buuxisay qodobka sedaxaad ee xeerka u yaala (IMF) si dowladdu ay u hesho waddooyinkii u sahli lahaa cafinta daymaha lagu leeyahay.
Waxaa ay sheegeen in Soomaaliya ay horumar ka gaartay dhinaca horumarinta dhaqaalaha dalka, qaadista lacagaha canshuuraha ee gudaha, dhismaha hay’adaha, iyo qorshaha lagu doonayo in Soomaaliya ay ku soo daabacato lacag cusub oo dalka uu yeesho.
Hay’adda IMF ayaa sheegtay dadaal kasta lagu bixinayo sidii Caalamka uu u taageeri lahaa qorshaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku soo daabacato lacago cusub oo Shillin Soomaaliya ah, taasi oo qayb ah shuruudaha lagu xirey dowladda islamarkaana guulo lataaban karo laga gaarey.