Wafdi ka socda Dowladda Dhexe oo gaaray Hobyo

1422

Dowladda federaalka ah ayaa maanta wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo.

Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye  oo goordhaw la hadlay  mid ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay gaareen goobta, ujeedka safarkana uu yahay ee dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo.

Wafdiga waxaa ka mid ah, Wasiir ku-xigeenka wasaarada dakadaha federaalka ah, wasiirka dekadaha Galmudug, Sentar Abdi Qeybdiidiyo mas’uuliyiin kale oo gobolka u dhashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ayaa Jan 23, 2018, waxaa uu dhagax-dhigay dekadda Hobyo, tillaabadana maanta waa dar-dar-gelinta howsha iyo dhismaha dekadda.