Wafdi hore dhac u ah RW oo gaaray New York

841
Yusuf Garaad Omar, Minister of Foreign Affairs, International Cooperation Photo/Google

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Gaaray Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Wafdigaan ayaa horudhac ah Ra’iisul Wasaare xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu waddo dhawaan in uu gaaro New York si uu uga qeyb galo shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar  gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo Shirkaan ka qeyb galaya.

Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Wasiirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan. Shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirar-doceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gelaya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.