Mogadishu (UM) – Wadayaasha bajaajyada Caasimadda Muqdisho ayaa si weyn uga cawday adeegga taksiyada ee Dhaweeye kaas oo kusoo kordhay gaadiidka laga isticmaalo Caasimadda Muqdisho.
Wadayaasha bajaajyada oo ay Ummadda Media la hadashay ayaa sheegay in adeegga Dhaweeye uu cadaadis aan loo baahneeyn kusoo kordhiyay suuqa. Wadayaasha waxay sheegeen in adeeggaan uu ku abuuray walaac xooggan maadaama aysan jirin nidaam ganacsi oo kala haga sida ay u kala shaqeeynayaan .
Adeegga Dhaweeye waa adeeg taksi oo u shaqeeya sida taksiyadda “Uberka” taas oo micnaheeda yahay in qofka heysta Mobile leh adeegyada wax lagu soo dajin karo uu awoodo in uu soo degsado kadibna si toos u wacan karo taksiga iyadoo la isticmaalayo qadka internetka.
Adeegaan oo ku cusub Soomaaliya ayaa waxaa lala xiriirinayaa shirkado waaweyn waana midda keentay in wadayaasha ay walaac ka muujiyaan kusoo biiritaanka adeeggaan cusub ee suuqa.
Qaar ka mid ah wadayaasha ayaa dareenkooda sidaan ku cabiray, “Annagu ma diidanin in shirkad kale ay suuqa kusoo biirto, laakiin waxaan ka walaacsanahay in
ay suuqa kusoo biiraan shirkado ay gadaal ka riixayaan shirkado waaweyn oo leh miisaan culus. Taas waxay keensaa in ay dhib weyn soo gaaro oo suuqa aysan kula tartami karin bajaajlayaash aal laheyn awood maaliyadeed oo ay kula tartami karaan shirkaddaha waaweyn,” Cali Xasan oo ka mid ah wadayaasha bajaajyadda ayaa sidaas sheegay.
“Annaga waxaan bariiskeena ka raadsanaa bajaajtaan haddii marka ay timaado shirkad salka kula jirta meel adag waxaa dhaawac soo gaarayaa nolol maalmeedkeena, sidaas darteedwaxaan ugu baaqeeynaa dawladda in ay wax ka qabato oo sameeyso nidaam lagu koontaroolayo suuqa laguna ilaalinayo wax kasta oo keenaya in shirkaddaha waaweyn ay cagta mariyaan dadka danta yar iyo shirkaddaha yar yar ama cusub,” Xasan Cabdulahi oo ah wade bajaaj ayaa isagana dareenkiisa sidaa ku cabiray.
Wade kale oo Ummadda la hadashay ayaa sheegay in dhankooda ay ka baqayaan in ay soo
wajahdo suuq yari baahsan , maadaama shirkado ka waaweyn ay keeneen hab kale oo suuqa ka saaraya adeega bajaajta. Waxa uu sheegay in adeegaan laga yaabo in qiimaha kordhiyo , isaga oo sheegay in qiimaha hadda ee bilwaga ah laga yaabo in ay suuq geeyn tahay mustaqbalka se ay wax is badalaan oo shacabka lagu kordhiyo qiimaha lagu raaco taksiyadda.
Waxaa sidoo kale dareenkooda ku aadan Adeega Dhaweeye cabiray sadded dhaliyaro oo dhawaan soo dhameeyay Jaamacad oo ku shirkoobay hal Bajaaj kuwaas oo sheegay inaysan wali bixin lacagtii ay ku soo qaateen Bajaajta, “Shaqo la’aanta dhalinyaradda way badantahay, dowladunna hadal iyo isbedello aanan wali arkin waxqabadkooda ayay nagu daalisay, hadii dowladda ay dhab ka tahay wax u qabashadda dadka dan yarta ah, waa inay naga qabataa shirkaddaha waaweeyn oo ay Hormuud kow tahay oo suuq kasta soo galay, hadii kale ma noolaan karno.”
Wadayaasha bajaajta ayaa waxa soo wajahay cabsi ah in ay lumiyaan macaamiishooda, tan iyo intii uu suuqa soo galay adeegga Dhaweeye.