
Wadahadalladii ugu horreeyay ee nabadeed ee u dhexeeya dowladd Afgaanistaan iyo ururkaTaalibaan ayaa ka billowday magaalada Dooxa ee dalka Qatar, kadib bilo dib u dhac ah.
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku tilmaamay kulanka mid taariikhi ah isagoo u duulayay magaalada Doxa si uga qeybgalo xafladda furitaanka.
Wadahadalka ayaa lagu waday inuu bilowdo kadib heshiiskii amaanka ee Mareykanka iyo Taliban ee bishii Febraayo.
Laakiin khilaafaadka ka dhashay isdhaafsiga maxaabiista ee muranka dhaliyay ayaa hakiyay marxaladda xigta, sida rabshadaha ka dhacay Afghanistan, halkaasoo afartan sano oo dagaal uu ku jiray ismari waa.
Wafdi ka socda hogaamiyaasha Afqaanistaan ayaa ka ambabaxay Kabul iyagoo gaaray Doxa Jimcihii – 11-kii Sebtember, waa 19 sano ka hor weeraradii lagu hoobtay ee Mareykanka ee sababay dhamaadka xukunkii Taliban.
Madaxa wafdiga, Abdullah Abdullah, ayaa sheegay inay raadinayaan “nabad cadaalad iyo sharaf leh”.
Maalintii Khamiista Taliban ayaa xaqiijisay inay ka qeybgalayaan, kadib markii kooxdii ugu dambeysay oo ka kooban lix maxbuus la sii daayay.
Kuwani waa wadahadalladii ugu horreeyay ee toos ah ee u dhexeeya Taliban iyo wakiillada dowladda Afqaanistaan. Dagaalyahanada ayaa ilaa iyo hada diidanaa inay la kulmaan dowlada iyagoo ku tilmaamay kuwa aan awood lahayn oo Mareykan ah u “daba dhilif”.
Labada dhinac waxay hiigsanayaan dib u heshiisiin siyaasadeed iyo soo afjarida rabshado tobanaan sano socday, oo ka bilaabmay duulaankii Midowgii Soviet ee 1979.
Wadahadalka ayaa loogu tala galay inuu bilowdo bishii Maarso laakiin waxaa marar badan dib u dhigay khilaaf ka dhashay isweydaarsiga maxaabiista ee lagu heshiiyay heshiiskii bishii Febraayo ee Mareykanka iyo Taliban, iyo sidoo kale rabshadaha ka jira dalka.
Heshiiskaasi wuxuu qaatay hal sano in la soo gabagabeeyo, wadahadalka dowladda iyo Taalibaan ayaa la filayaa inuu xitaa ka sii cakiran yahay. Kuwo badan waxay ka walwalaan in horumarka jilicsan ee laga sameeyay xuquuqda haweenka lagu sadqeyn karo howsha.