
Muqdisho – Waxaa la filayaa in maanta uu ka furmo magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti shir u dhaxeeya Soomaaliya iyo Soomaaliland. Waftiga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo halka waftiga Soomaaliland uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelleh ayaa sheegay in uu shir Guddoomin doono kulanka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi si aan ula socono dadaalada dhexdhexaadinta ee labada hogaamiye.
Madaxweyne Geelleh ayaa sidoo kale sheegay in uu casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Shirkaan ay Jabuuti marti gellinayso ayaa sidoo kale waxaa ka qeybgalaya dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.
Si rasmi ah looma ogga illaa iyo hadda agendayaasha labada dhinac ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ay ka wadahadlayaan balse dadka gorfeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in aan la saadaalin karin waxyaabana side dhabta ah ay labada dhinac uga wadahadli doonaan iyo waxyaabaha laga filan karo in ay ka soo baxaan.
Waftiga Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.