Wadahadaladii Soomaaliya iyo Soomaliland oo dib u furmaya

832

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dib u bilaaban doonaan dhawaan.

Wasiir Sacad Cali Shire oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ay ku kulmi doonaan magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti halkaasi oo uu wadahadallo uga furmi doonaan labada Madaxweyne.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in qorshaha kulankaan uu noqon doono mid gogal dhig u ah dib u bilaabashada wadahadalladii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland u dhaxeeyay oo uu hakad ku yimid 2 sano ka hor.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadal arrinta shirka Soomaaliland ay sheegtay, balse doorashadii bishii November ee sanadkii hore Somaliland ka dhacday ee Madaxweynaha loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, ayuu mar uu hambalyo u diray Madaxweyne Farmaajo waxa uu balan qaaday inuu dardar gelin doono wadahadalladii Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland u dhaxeeyay.