Dalka Jabuuti waxaa si rasmi ah uga bilaabmay wadahadalo u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Dhanka Dowladda Soomaaliya waxaa shirka uga qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirashid Maxamed Axmed iyo masuuliyiin kale, iyo wafdi kale oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cadi. iyadoo ay goobjoog ka yihiin Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
“Dib u bilaabashada wada hadalada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa ah tusaale fiican oo ka tarjumaya sii wadida go’aanka hogaamiyaasha gobolka si loo xaliyo khilaafaadka iyada oo loo marayo wadahadal” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Tweterka.
Mareykanka ayaa door weyn ku leh arrintan, iyadoo uu wakiil uga yahay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo labadii sano ee u dambeeyay soo waday hindisahan waxaana ka qayb galayo ururo kale oo ka jira gobolka sida AU,EU, iyo Jaamacada Carabta.
Shirkan waxaa guddoominaya madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay ka qaybgalayaan diblomaasiiyiin caalami ah oo uu ku jiro safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.