Wadaagista kheyraadka dalka waxay u baahan tahay daacadnimo dhammaan dhinacyada taladu ka go’do -UM

1445
President Farmaajo Chairing the National Security Council conference in Mogadishu. Feb 6. 2018. Photo: Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Dowladdii hore iyo tan hadda joogta ee  uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulllahi Maxamed Farmaajo, waxay ku qasbanaadeen la macaamilka dowlad goboleedyo aad iskugu kalsoon oo inta badan gacanta ku haya gobollada dalka, oo haatan u qaybsan maamulo federaal ku dhisan hab qabiil. Marnaba  ma noqoneyso buunbuunin in la yiraahdo dowladdu waxay xukuntaa caasimadda kaliya,iyada oo ay  Soomaaliland ay sidoo kale raadineyso gooni isu taag.

Kulankii ugu danbeeyay oo ay Muqdisho ku yeeshaan golaha amniga qaranka, uuna shir guddoominayay madaxweynaha dowladda federaalka, isla markaana ay ka soo qayb galeen madaxweyenayaasha maamul goboleedyada ayaa la isku raacay in ay  la xoojiyo wadashaqeynta dhinaca amniga,dhammaadka bisha March-na  heshiiska qeybsiga kheyraadka lagu dhameystiro magaalada Baydhabo.

Wasiiradda kaluumeysiga ee dowlad goboleedyada dalka ayaa heshiis bixinta shatiga kaluumeysiga la gaaray wasiirka kaluumeysiga heer federaal,taas oo noqon doonto mid  faa’iido u leh dhinac kasta. Inkasta oo ay tillaabadani tahay mid soo dhaweyn mudan, haddana federaalka aan qeexneyn ayaa laga yaabaa in uu ka dhigo dhaqan galinta wadaagista kheyraadka mid aad u adag. Maxaa yeelay sida kalluunka oo kale kheyraadka Soomaaliya ma ahan kuwo leh xilli gooni ah waxayna u baahanyihiin aragti dheer oo ay la socdaan istaraatiijiyad iyo heshiis xaq ah oo ku dhisan hab wadaagista kheyraadka oo ogolaanaya in kabid maaliyadeed loo qoondeeyo maamul goboleedyada aan laheyn kheyraadka badan sida Hirshabeelle iyo Galmudug.Tanni waxay sidoo kale u baahantahay qaangaarnimo siyaasadeed iyo dareen dan guud oo hormarineed, taas oo ay curyaamisay siyaasada qabiileedka iyo aaminid la,aan guud oo laga qabo dowladda federaalka.

Federaalka ayaa dhab ahaantii ah nidaam abuuray aragtida ah in maamulka qabiilka uu yahay midka kaliya, halka markii hore nidaamkii dowladda dhexe uu xoojinayay dowlad mideysan oo leh maamul dhexe oo xooggan. Dhibaatada nidaamka dowlad dhexe ayaa ah si khaldan u isticmaalka xaafiiska danta guud, taas oo horseeday sameeysanka Maamul Federaal reereysan.

Iyada oo uu wali socdo dib u eegistii dastuurka, ayaa haddana su’aasha ugu muhiimsan oo go,aamin doonta xiriirka maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ayaa ah wadaagista kheyraadka. Halkaan ayaa ah meesha marar badan ay ka yimaadeen khilaafyo ka dhashay heshiis ay dowlad goboleedyadu la gaareen shirkaddo maalgalineed oo shisheeye, sidoo kale canshuurida, lacag u wareejinta maamul goboleedyadda iyo warbixinta habka ay ku  baxday lacagta la wareejiyay.

Wadaagista kheyraadka waa in si degdeg ah la iskugu raacaa si ay u shaqeeyso dowlad federaal ah oo ay Soomaaliya leedahay. Soomaaliya waxaa lagu manneystay kheyraad kala duwan,wali-se dadkeedu waa dadka ugu saboolsan uguna rajada liita adduunka oo dhan.Tani ma ahan mid la aqbali karo nuuc kasta, si gaar ahna shacabka Soomaaliyeed oo ka daalay siyaasad micno darro ah ma ahan mid u cuntami karta.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ugu danbeyn u muuqda in ay daacad ka yihiin gaarista heshiis wadaagista kheyraadka, laakiin se wali waxaa su’aal ka taagan daacadnimada niyada labada dhinac.Si looga gudbo arrintan, waa in labada dhianc ay si wadajir ah oo qorsheysan uga shaqeeyaan wadaagista kheyraadka,sidoo kalena sameeyaan dakhli hufan, iyo kharaj guud ayna la socoto canshuur mideysan, si loo aruuriyo canshuurta gudaha. si loo dhaqangaliyo wareejin maaliyadeed oo caddaalad ah iyo maalgalin adeega guud dalka oo dhan,siyaasad kheyraad iyo culayska wadaagista waa in la diyaarshaa oo la isku racaa.War murtiyadeed kaliya waxba ma noqoneyso.

Hab wanaagsan oo wadaagista kheyraadka ah waa qorshaha amniga qaranka kaas oo tusinaya in dowladda federaal iyo dowladdaha xubnaha ka ah ay isku raaci karaan nidaam wadaagista culayska .Habkaan dowladda iyo maamul goboleedyadu waa ku guuleeysteen, laakiin waxaad moodaa in amniga oo laga maalgaliyo inta dowladda federaalka sida la iskugu raacay aanan la isku raacin waxyaabaha muhiimka ah sida canshuur mideysan oo kale. Sidaa darteed waxa keenay dooda taagan ee ah Banadaar maxaa kaligeed loo canshuura oo haddana maamul goboleedyada ay ugu dirtaa  taageero maaliyadeed.

Muddo dheer wadaagistu kheyraadka waxa ay aheyd mid uun ay afka ka sheegaan dhammaan dhinacyada kala gedisan ee Soomaaliya,mana jirin dood dhab ah oo ku saabsan waxa ay  tahay iyo sida ay noqoneyso.Qof kasta waxa uu muujinayaa ka go,naasho, laakiin marnaba ma jirto wax ficil ama tallaabo ah oo la qaaday.

Sidaa awgeed waa in dowladda federaalka iyo maamul goboleedyaduba ay markii ugu horreysay u hawlgalaan danta shacabka ,halkii ay u dhaga nuglaan lahaayeen cadaadiska qabiiladooda. Kheyraadka Soomaaliya waxaa iska leh qof kasta oo Soomaali ah. Dhammaan inta talada gacantoodu ay ku jirto waa in ay xusuusnaadaan arrintaan iyaga oo isku sii diyaarinaya shirka bisha March dhammaadkeeda ka dhici doona magaalada Baydhabo.

SHARE