Wadaad caan ah oo lagu dilay Pakistan

710

Sami ul-Haq, oo loo yaqaan ‘Aabaha Taliban’ oo ah wadaad caan ka ah dalka Pakistan ayaa lagu dilay magaalada Rawalpindi.

Maulana Hamidul Haq oo ah wiil uu dhalay ayaa sheegay in aabihis midi lagu dilay isaga oo qolkiisa nasashada ku jira jiifa, sida ay qortay jariirada Dawn News ee waddankaas ka soo baxda.

“Darawalkiisa oo la yiraahdo Haqqani oo bannaanka ka soo laabtay ayaa arkay Maulana Sami oo sariirtiisa yaalla dhiigna uu ka buuxo. Ayaa Hamid oo ah wiilka uu dhalay u sheegay telefishinka Geo News.

Wadaadkaan caanka ah, oo 82 jir ahaa, ayaa iskuul iyo madaraso Islami ah oo lagu magacaabo Darul Uloom Haqqania seminary kulahaa magaalada Akora Khattak ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Senate Pakistan sanadihii 1985 ilaa 1991 iyo 1991 ilaa 1997.

Sidoo kale waxa uu ku biiray bishii July 25, 2018 xisbiga talada dalka Tehreek-i-Insaf.
Ma jirto cid sheegatay dilkiisa oo midi loo adeegsaday. Waxaa uu ahaa hoggaamiyo samayn badan ku dhex lahaa siyaasada gudaha Pakistan iyo sidoo kale gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa si xooggan u cambaareeyay dilka hoggaamiyaha waxa uuna ku baaqay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.