Waxaa magaalda khartuum ee dalka Suudaan, dib uga bilowday wadahadalo u dhaxeeya golaha xilliga kala guurka maamulaya dalkaasi iyo hogaamiyeyaasha mucaardka.
Golaha ayaa wadaxaajoodka hakiyay seddax maalmood ka hor, waxayna dalbadeen in dibadbaxaaashu ay qaadaan jidgooyooyiin ay dhigteen meelo ku yaalla caasimad.
Dibadbaxaaysha ayaa rajo cusub ka qaba wadahadalada dib u bilowday.
Labda dhinac ee wada-xaajoonaya, ayaa dib uga wada hadlaya sida ugu haboon ee Suudaan lagu maamuli doono, iyada oo loo marayo xukunka rayidka.
Horey ayay ugu heshiiyeen in ay sii socon doonto seddex sano, mucaaradkuna waxay yeelan doonaan saddex meelood labo meel golaha sharci dajinta.
Laakiin arrinta ugu xiisaha badnayd ayaa ahayd samaynta golaha sare ee go’aan qaadashada, golo ka madaxabannaan
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa doonaya aqlabiyad cad – 8 ka mid ah 11-xildhibaan – laakiin militariga ayaa ka cagajiidaya in ay awoodda gacantooda ka baxdo.
Dibadbaxayaasha ayaa ku sii nagana doona waddooyinka, ilaa ay ka helaan waxa ay doonayaan oo ah dowlad rayid ah.
Dibadbaxayaasha ayaa markii hore dalbanayay in xilka uu ka dago madaxwayne Al-Bashiir ,balse markii ay militariga shaaciyeen in ay awoodda la wareegeen ayay mar kale ku baaqeen dowlad rayid ah.
Waxay dibadbaxyada Sudan ka dhasheen qiimaha maciishada dalkaasi oo cirka isku shareertay iyo qiimaha lacagta dalkaasi oo si aad ah hoos ugu dhacday.