Waare oo laga reebay shirka madaxda dowlad goboleedyada ee Garowe

723

Muqdisho ( UM) Waxaa la filayaa maanta in magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Puntland uu ka furi shirka wadatashiga Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada dalka.

Shirkaan la filayaa in ay ka qeybgali doono madaxda Maamul goboleedyada Puntland, Galmudug iyo Koonfurta Galbeed sida lagu shaaciyay sawiradooda boorka lagu dhijiyay goobta shirka, balse waxa ka maqan sawirka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Sida boorka shirka lagu cilaamiyay shirka Golaha ayaa socon doono muddo 4 cisho oo maanta ka bilaabanaysa 20-23 bishaan Oktoobar.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta shirkaan looga reebay madaxweynaha Hirshabeelle, OP horrey uga qeybgalay kulamadii kuwaan ka horreyay oo uu ugu dambeeyay midkii lagu qabtay magaalada Kismaayo oo warnurtiyeed wadajira ah oo ka soo baxay xaafiiska dowlad goboleedyadu ku shaaciyeen in ay joojiyeen wadashayntii kala dhexeysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirka Kismayo kaddib ayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ku dhawaaqay in ay in heshiis is afgarad ah la gaartay dowladda Federaalka ah, lagana qanciyay waxyaabihii ay ka tabanaysay dowladda dhexe, isagoo sidoo kalena ugu baaqay afarta dowlad goboleed ee kale in ay la heshiiyaan dowladda Dhexe.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa qaadacay casuumaad uu horrey ugu fiddiyay Madaxweyne Farmaajo oo ku saabsanaa shirka Golaha amniha Qaranka iyo sidoo kale kulan ku saabsanaa xal u helida khilaafka siyaasideed ee ka jira Galmudug.

Inkastoo aan wali xal laga gaarin khilaafka u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan la ogayn waxyaabaha shirkaan looga wadahadlayo iyo wax ka soo bixi doono.