Muqdisho (UM) – Ku dhawaad labo isbuuc waxaa socday doodaha is diidan ee ku saabsan qaabka uu u dhacayo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari.Xitaa waxaa jira su’aal laga keenay sharci ahaanshaha mooshinka oo ay qabaan taageerayaasha guddoomiyaha baarlamaanka.
Maanta xildhibaannada taageersan mooshinka ka dhanka guddoomiyaha waxa ay soo saareen war saxaafadeed ay ku tixeen inta qodob ee dastuurka kumeel gaarka ah ee u jabiyay guddoomiye Jawaari.Eedeymaha loo jeediyay ee ku xadgudubka sharciga ayaa iskugu jira sharci ahaan iyo hab maamul ahaanba. Waxaa intaa sii dheer,in xildhibaannada warka soo saaray ay sheegteen in xildhibaano gaaraya 223 ay ka mideysanyihiin in guddoomiyuhu iscasilo. Sida ku cadna xeer hoosaadka baarlamaanka qodobkiisa 184, guddoomiyuhu waa uu dhacayaa isla maalinta codeeynta,haddii ay run noqoto sheegashada xildhibaanada ka soo horjeeda ee ah in 223 ay rabaan in uu baxo.
Tani waa uun kutiri kuteen sida horay loogu bartay siyaasadda Soomaaliya. Marka kaliya se la xaqiijin karo ayaa ah maalinta ay dhaceyso codeeynta oo si dhab loo ogaan doono cidda runta sheegtay iyo cidda kale waaba haddii ay codeeyn dhacdo.
Si dadka Soomaaliyeed, looga badbaadiyo walwalka ay ka qabaan siyaasadaan aan horay u socon ee horseeda ismari waaga, marka danbe ku danbeeya qalqalaase daba dheeraada, waa in labada dhinac ee baarlamaanka ay raadiyaan sharci-yaqaano si madaxbannaan dastuurka dib u eegis ku sameeya, talada ay ka bixiyaana lagu saleeyo wax ka badalka dastuurka. Xildhibaannada labada dhinac ma ahan in ay dastuurka u fasirtaan haddba sida dantooda ay ka arkaan.
Dastuurka qabyo qoraalka ah waa mid si aan wanaagsaneeyn loo qoray waxa uuna meelaha qaar u egyahay sharciyada quruxda badan ee Qaramada Midoobay kuwaas oo uun ah waxyaabo la jecelayhay in la fuliyo, marnaba se aan la fulin.Dastuurka qabyo qoraalka ah waa mid iska hor imaanaya, aan la socon waqtiga isla markaana aan micno u sameeyneyn inta badan dadka Soomaaliyeed marka laga reebo kuwa yare e ka faa’iida lacagaha lagu bixiyo qoridiisa. Hawsha dib u eegista dastuurkaan sida qaabta daran loo qoray waxa ay qaadatay waqti badan, walina ma muuqato guul laga gaaray, ka sokow dadaalka wasiir Xoosh iyo waliba golaha hoggaamiyaasha qaranka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, dowlad gobleedyaduna ay xubnaha ka yihiin.
Iyad oo dastuurku ay ku jiraan intaas oo gaf ah ayuu haddana dastuurka qabyo qoraalka ihi oo lagu daray xeer hoosaadka baarlamaanka kala furdaamin karaan ismari-waagaan. Maadaama labada dhinacba ay cuskanayaan dastuurkaan waxaa laga maarmaan ah in la helo sharciyaqaano madaxbannaan,xitaa ha noqdaan kuwo ajnabi ah hadii aysan Soomaalidu is aamini karin. Si garyaqanaadaas ay u fasiraan sharciga iyo waliba hab nidaamkeedka ay tahay in loo gudbiyo mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha.
Tani waxay waqtiga u yareeyn kartaa labada dhinac,sidoo kale waxay qaboojin kartaa xiisada iyada oo abuuri karta xilli looga fikaro wixii dhacay iyo sidii lagu xallin lahaa.Waxay sidoo kale hagi laheyd mooshinda laga yaabo in mustaqlka la keeno.
Dib u eegis sharci ku dhisan la’aanteed xaalada siyaasadeed waa ay ka dari doontaa,ismari-waaga siyaasadeedna waa uu sii xumaan doonaa. Tani waxay ay dhaawaceysa xasiloonada dalka ;waxayna dib u dhigeysaa waxqabadkii ay dowladdu ku talo gashay. Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed tan ma awoodi karaan.In dhibaato ugu filan shacabka iyo dowladuba faraqeey ku heystaan. Waa waqtigii sharciyaqaanada loo yeeri lahaa.