
Ninka bedeli doona madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Afrika ku yaala ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa kummanaan dadwaynaha reer Zimbabwe ah kula hadlay magaalada caasimadda u ah dalkaasi ee Harare ayaa sheegay in dimuqraadiyadda cusub ay ka dhalatay dalkaasi isagoona amaanay Militariga.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey kadib markii Mr Mnangagwa uu dib ugu soo laabtay dalka Zimbabwe si uu u badalo Robert Mugabe oo xilka ka dagay.
Waxa uu wacad ku maray in uu shaqooyin ka abuuri doono dalkaasi oo dadka ku nool 90% ay yihiin shaqo la’aan.
Waxaa uu sheegay hoggaamiyahan bedeli doona Mr Mogabe in uu doonaynayo in la kobciyo dhaqaalahah iyo Hormarinta Dalka.
Mr Mnangagwa, oo laba toddobaad ka hor u cararay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada maalinta jimcaha ,sida uu baahiyay TV-ga qaranka Dalkaasi Zimbabwe.
Shaqo ka cayrintii Mr Mnangagwe ayaa horseeday in ay xaaladda soo faragaliyaan militariga iyo xisbiga talada haya taasi oo ugu dambeyntii soo afjartay 37 oo uu dalkaasi ka talinayay Mugabe.
Emmerson Mnangagwe ayaa ku ammaanay militariga sida nabadda ah oo ay xilka ugala wareegeen Mugabe.
Maalinta Barri oo Jimco ah ayaa waxaa lagu wadaa in Emmerson Mnangagwa loo dhaariyo xilka madaxwaynaha isaga oo xafiiska sii jooji doona muddii ay u hartay madaxwaynaha is casilay ee Rebort Mugabe.
Waa kuma Emmerson Mnangagwa?
Mnangagwa, ayaa dhashay 12 kii September sanadkii 1942 isagoo saaxib dhow la ahaa madaxwaynihii hore muddo ku nus qari (50 sano).
Waxaa uu madaxwayne Ku xigeenka dalka Zimbabwe ahaa ahaa sanadihii 2014 ilaa iyo 2017 isagoo xilka looga qaaday eedaymo la xiriira in uu yiri “Goormee ayaad dhimanaysaa madaxwayne Mugabe”?.
Xilalka kale ee uu soo qabtay
11 September 2013 Waxaa noqday wasiirkii Caddaaladda iyo Arrimaha Baarlamaanka
Intii u dhaxaysay 13 February 2009 – 11 September 2013 waxaa uu ahaa wasiirka Difaaca/ Gaashaandhigga
Intii u dhaxaysay April 2005 – 13 February 2009 Waxaa uu ahaa wasiirka Arrimaha Bulshada iyo Guraynta
Intii u dhaxaysay July 2000 – April 2005 waxaa uu ahaa Afahayeenka Golaha Shacabka
Waxaa uu sidoo Kale xilal wasiirnimo soo qabtay sanadihii 80-maadkii.
Waa siyaasi 75 jir ah oo Ku dhashay Shabani, oo Ku taala dhanka koonfureed ee Zimbabwe/Rhodesia (Magacii hore ee dalka Zimbabwe).
Waxaa uu garyaqaanimada ka bartay Jaamacadaha kala ah University of London iyo University of Zambia.
Waxaa uu ka mid ahaa dagaalamayaashii dalka xurnimada gaarsiiyay (Rhodesian Bush War) kuwaasi oo Zimbabwe gaarsiiyay aqoonsiga madaxbanaanida sanadkii 1980-kii.
Waxaa uu caan Ku yahay Naanaysta “Ngwena” taasi oo haddii la micneeyo loola jeedo ” Ninkii Yaxaaska ahaa”