Muqdisho (UM – Soomaaliya ayaa wali ku baroordiiqeysa rabshadaha dilkii arxan darrada iyo kala sooc la’aanta ahaa ee ka badan 500 oo qof loo geystay weerarkii argagixisada ee Zoobe 14-kii bishii Oktoober sanadkii hore. Dunidu si naxdini ku jirto ayay u daawadeen muuqaaladda baabuur weyn oo xowli ku socda si lama filaan ah iskugu qarxiyay bartmaha shacab aan waxba galabsan, iyadoo qasaare baaxadiisa aan hore loogu sheegin taariikhda Soomaaliya uu gaaray dadka shacabka ah iyo hantida gaarka loo leeyahay. Dhacdadani waxay ku reebtay shacabka Soomaaliyeed caro , cabsi iyo marnaan dhanka rajada ah.
Heerka weerarka ayaa ahaa mid ba’an, waana mid ka mid ah weerarrada argagaxisada ugu xun ee taariikhda casriga ah soo mara. Wuxuu ahaa mid aad u culus, halis badan oo aan waxba reebaynin midaas oo keentay in ilaa iyo maanta aysan jirin sheegashada rasmiga ah ee mas’uuliyadda weerarkan argagixiso, inkastoo Dowladda Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamkuba ku eedeeyeen fal damiyeedkan kooxda Al-Shabaab oo weeraro ismiidaamin hore uga geystay Soomaaliya.
Jawaabta Gurmadka Qaran ee dowladda Soomaaliya iyo shacabku ay ka bixiyeen weerarka ayaa ahayd mid waxtar leh oo amaan mudan, gaar ahaan sida hufan ee la iskugu dubariday dadaaladii gargaarka dadka waxyeloobay. Bahwadaagta Soomaaliya ee iyaguna gurmadka fidiyey ayay tahay in lagu bogaadiyo kaalintii dhaxalgalka ahayd ee ay qateen, gaar ahaan dolwadda Turkiga iyo shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines oo ahaa kuwii ugu horeeyay howlihii gurmadka iyo samatabixinta dadkii waxyeeloobay.
Intii lagu jiray la tacaamulka waxyeeladii weerarkan, Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa si isku mid ah u muujiyey caradooda iyadoo ay jireen balanqaadyo loo sameeyay dadkii waxyeeladu ay gaartay, gaar ahaan kuwa uu ka burburay ganacsigooda, sidoo kale hey’addaha amniga ayaa baĺlanqaday ka falcelinta dhacdadani foosha xun. Waxaa kaloo jiray dareen isku soo dhawaasho ee dhanka shacabka iyo qeybaha kala duwan ee amniga, inkastoo balamihii tageero ee loo sameeyay dadkii ku hanti beeleay weerarka aan wali la fulinin, haddana, weerarkii 14ka Oktoober wuxuu kiciyey damiirka qof walba oo dareemay in waxa miiska saaran uu yahay mustaqbalkooda iyo hiigsiga noloshooda.
Si loo maamuuso shacabkii ku naf waayey iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii 14ka Oktoober, Madaxweynaha Soomaaliya waa inuu booqdaa isgoyska Zoobe, goobtii uu weerarku ka dhacay, oo uu hortagaa dhibanayashii badbaaday isagoo u xaqiijinaya waxa ay dowladiisu ka qabaneyno fullinta balanqaadyadii ay u sameysay si ay uga caawiso dhibanayaasha dib u dhiska ganacsiyadoodii ku burburay weerarka iyo sidii ay dib ugu dhisan lahayeen noloshooda. Dhibanayaal badan ayaa wax walba oo ay lahayeen ku waayey weerarkaasi, midaas oo keentay in qoysaskii iyaga ku tiirsanaa ay gebbi ahaan ceyrtoobaan.
Madaxweynaha iyo kooxaha mucaaradka, waa in aysan siyaasadeynin maalintan,sababtoo ah waa maalin baroordiiq Qaran iyo wax-is-weydiin. Shacabku ha murugoodaan, hana u ahaato maalin tacsi iyo xanaaq, balse illinta kadib, waa in dhamaan Soomaalidu isla garataa muhiimadda ay leedahay in la iskaashado oo wax la wada qabsado si dalka dib loogu dhiso, iyadoo meel looga soo wada jeesanayo falalka ku dhisan aragagixisnimada iyo rabshadaha. Hadii ay ahaan lahayd dowlad, ganacsi amase caruurta nasiibka u heshay inay dhigtaan iskuul, argagixisada iyo faqriga waa labada cadaw ee ay tahay in Soomaalidu ka wada adkaato si waddajir ah.
Maalinta 14-ka Oktoober, Madaxweynaha waa inuu shacabka kula hadlaa isla goobtii ay musiibadu ka dhacday isla markaasna uu ka jawabaa dhowr ka mid ah su’aallaha ay shacabku isweydiinayaan: Maxaa dhab ahaantii dhacay? Maxay ahayd jawaabta dowladdu ka bixisay? Maxaa hadda nala gudboon si aynu iskaga difaacno musiibo nuucan oo kale ah mustaqbalka? Kuwani ayaa ah su’aallaha ay inta badan dadku isweydiinayaan. Waxaa muuqata in kuwa wax dilay iyo kuwa qorsheeyayba ay Soomaali yihiin, kuwa la xasuuqayna ay Soomaali yihiin, isla markaasna, hey’daha amniga ee wajikoodu yahay ka hortaga musiibadni oo kalena ay Soomaali yihiin. Middani ayaa ah xaqiiq foolxun oo ay tahay inaan innagoo isku duuban xal u wada helno. Waynu isdilaynaa, oo aan burburineynaa dalkeena inagoo aaseyna rajadeena shaqsiga ah iyo midda Qarankeena. Xanuunka iyo uur-kutaalada Qaran, dhimashada iyo niyad-jabka oo kelliya waxay yaraanayaan markaynu iska kaasheyno dib-u-dhiska iyo nabad ku soo celinta dalkeena.
Oktoober 14, waa inaysan noqonin maalin la is eedeeyo. Dad badan ayaa guuldareystay, oo ay ku jiraan laamaha amniga iyo xitaa shacabka. Waa inaan joojinaa isweydiinta ah “Hadii waxaas la yeeli lahaa” balse doodu isku badashaa “Maxaa nala gudboon” si aynu ammaan iyo nabadgelyo u helno. Midaan ayaa ah sida ugu wanaagsan ee aynu u maamuusi karno dhibanayashii weerarkii xanuunka badnaa ee 14-kii Oktoober, 2017 isla markaasna aynu ku ilaashan karno ammaanka Qarankeena.
Mudane Madaxweyne, Fadlan 14-ka Oktoober ka xiranin direys Militari, hana u jeedin shacabka khudbad siyaasadeed. Waxaa kelliya shacabku maalintaas kaaga baahanyihiin in ay ogadaan wixii dhacay iyo sidii loo xaqiijin lahaa in aysan mar dambe dhicin.