Muqdisho (UM) – Illaa iyo xilligii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waa markii ugu horreysay ee dadweyne fara badan iyagoo carreysan ay waddooyinka isugu soo baxaan iyagoo markaana ka bannaan-baxaya xaqdarro iyo dil ay u geysteen askar ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya wiil darawal ka ahaa bajaaj iyo qofkii la socday. Magaalada Muqdisho oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso ilaa iyo 3 milyan ayaa culeyso hore uga heysteen dhanka isku socodka iyadoo inta badan ay xirnayeen waddooyinka halbowlaha u ah ganacsiga iyo adeegyadda kale ee aas-aasiga ah. Inta badan waddooyinka loo xiro sababo amni ayaa lagu marki karaa oo kelliya kaararka aqoonsiga ee dowladda, balse waxaa isweydiin leh, shacabka oo dhammi ma dowladda ayay u wada shaqeyaan? Waddooyinka sida joogtada ah loo xiro, waxaa lagu dhisay hantidii qaranka, iskaashatooyin iyo canshuurta shacabka, balse waxaa culeys kala kulma in ay maraan shacabkii ay ahayd inay si xornimo leh ku maraan. Halku dhiga ‘Kala Wareeg’ iyo ‘Qori ku fiiqa’ maahan xal amni waara lagu gaari karo, mana ah in sidoo kale hannaan lagu soo jiidan karo shacabka ay dowladu rabto inay kala shaqeyaan sugitaanka amniga. Waxaa intaas dheer innaan ‘siyaasad amni oo fadhiid ah’ lagu maareyn karaynin caqabadaha faraha badan ee dhanka amniga ka heysta dalka kuwaas oo u baahan istaraatiijiyad cad oo ahmiyad gaar ah siisa ilaalinta xaquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, maalkiisa iyo naftiisaba.
Dhacdooyinkii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Muqdisho waxay ahaayeen kuwa nasiib darro ah. Waxaa ka muuqday dibad-baxayaasha carro xoog leh iyo niyad jab ay ka muujinayeen dowladdooda. Midani waa talaabo aad uga fog marka loo eego isla shacabkii sida farxadda leh ku soo dhaweeyay doorashadii Madaxweyne Farmaajo oo sidan si ka balaaran waddooyinka ay iskugu soo baxeen shacabka markii la doortay labo sanno ka hor. Waxaa muuqata in kalsoonidaasi ay hadda mugdi gashay sababa ay ugu wacan tahay tacadiyadan oo kale, waxaana lagu soo celin karaa in cadaaladda la horkeeno shaqsiyaadka geystay dilka, si ay shacabku u dareemaan in laamaha amniga iyo dowladda intaba ay ka go’antahay ilaalinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Dowladdu waxay muddooyinkii dambe qaadatay qorshe ay ‘diyo’ ama magdhaw in ay ku maareeyso tacadiyada loo geysto muwadiniinta Soomaaliyeed ee ay waxyeelo ka soo gaarto askarta, balse talaabadani maahan mid kalsooni badan ku abuureysa shacabka. Waxa ugu yar ee shacabku ka filan karaan dowladda ayaa ah in cadaaladda la horkeeno dambiilayaasha. Qorshahani ‘magdhaw’ bixintu maahan mid sii socon kara, sababtoo ah xal maahan in dowladdu ay hantida ummadda ku badbaadiso askar noloshooda dhaafiyey shacabkii ay ahayd inay amnigooda sugaan.
Cadaaladdu waa furaha xasiiloni lagu gaari karo Soomaaliya, dareenka cadaalad darada ay qabaan shacabka Soomaaliyeed wuxuu isla haatan abuuray in mugdi iyo kalsooni darro ay soo kala dhex galaan shacabka iyo dowladda. Dowladnimadu waxay ku timadaa in la joogteeyo xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda, midaas oo ku dhisan iskaashi iyo waxqabad. Siyaasadda ku dhisan ‘Kala-wareeg’ iyo ‘Qori ku fiiqa’ waxay u horseeday shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyin dhaqaale iyo mid nafeed intaba. Haddii aanay dowladdu qaadin talaabooyin muhiim u ah soo celinta kalsoonida shacabka, waxay horseedi kartaa inay dibad-baxyadu noqdaan kuwa joogto ah, maaha mid ay dan ugu jirto shacab iyo dowlad midna, marka loo eego xilliga adag ee lagu jiro iyo halka ay Soomaaliya hiigsaneyso inay horrey ugasii dhaqaaqdo meesha ay haatan joogto.