Iyadoo saacadihi ugu dambeeyey baraha bulshada lagu arkayay warqad sheegaysay in madaxweynaha Soomaaliya uu magacaabay safiirka Soomaaliya ee Kenya, ayaa madaxtooyada Soomaaliya waxaa ay wararkaasi ku tilmaantay mid been abuur ah.
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaliya Cabdinuur Maxamed Axmed oo u warramay warbaahinta Ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in ay wax kama jiraan tahay warqadaasi oo baraha bulshada la isla dhexmarayo.
“Majirto wax magacaabis ah oo uu sameeyey madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ee ku aadan in Xasan Yuusuf Jaamaca uu madaxweynaha u magacaabay Safaarada Soomaaliya ee Kenya, waa warqad been abuur ah”Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Madaxtooyada Soomaaliya.
Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ku soo badanayay baraha bulshada warqado ku qoran dukumintiyo looga been abuuranayo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xaaladaha guud ee Dalka ,taasi oo lagu tilmaamayo in ay tahay arrin aan u wanaagsanayn danta guud,horumarka iyo sharafta Umadda Soomaaliyeed.