Villa Somalia oo markale shir isugu yeertay Madaxda dowlad Goboleedyada

864

Muqdisho – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in 4ta Maarso 2021 ay Madaxtooyada Soomaaliya martigelinayso kulan lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020, sida lagu xusay qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka ayaa ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo xalay Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulan lagu dhamaystiriyay heshiiskii 25-kii Febraayo ay kala saxiixdeen Musharaxiinta Mucaaradka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo ay ka soo baxeen in Guddiyo loo saaray dhacdooyinkii 19kii Febraayo iyo Bannaanbaxyada Mucaaradka ku baaqeen.

Xubno ka tirsan Mucaaradka ayaa ku tilmaamay shirka Madaxtooyada Soomaaliya ay iclaamisay mid carqalad ku ah hannnanka dhammeystirka heshiiskii ay kala saxiixdeen Musharaxiinta mucaaradka iyo dowladda iyadoo qorshu ahaa in ay markale kulmaan si waxyaabaha dhammin ee Doorashooyinka ku saabsan looga wadahadalo.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland wali kama aysan hadlin shirka ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya.