Video: Wadahadalo Hargeysa Uga Bilowday Xisbiga Wadani iyo Guddiga Doorashooyinka

1294

Guddoomiyaha xisbiga Wadani  Cabdiraxmaan Maxamed Cirro  oo ay weheliyaan saraakiisha iyo hogaanka  sare xisbiga ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaaladda Hargeysa wuxuu sheegay in wada hadal u bilaabmay iyaga iyo guddiga doorashooyinka Somaliland. wadahaladaas oo lagu xalinayo cabashadii ay xisbiga u gudbiyeen guddiga.

Wuxuu ugu baaqay Ciidamada  Somaliland inay u tudhaan shacabka aan hubaysnayn, oo uu sheegay in loo  adeegsaday xabado nool nool. waxaana uu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Magaalooyinka Burco iyo Hargaysa

“waxaan u sheegaynaa shacabka iyo taageerayaasha Somaliland in maanta uu wadahadal u bilowday Koomishanka doorashooyinka iyo xisbiga wadani si loo xalilo codsiga iyo tabashada xisbiga wadani, wadahadalki kowaad maanta ayaanu la yeelanay , waana u gudbinay wixii dareen iyo tabashooyin ah oo aan u aragno in xaalada lagaga bixi karayo oo ah isqancin oo ku saabsan wixii xisbigu dalbaday.

wuxuu sheegay inay u ballansan yihiin guddiga doorashada wadahadalo kale, waxaana uu ugu baaqay taageerayaashooda inay ka war-sugaan guddoonka xisbiga, isagoo tilmaamay inuu rajo ka qabo in la xaliyo tabashadooda.

Ilaa Labo qof ayaa ku geeriyootay iyo waxaana ku dhaawacmay in ka badan 20 qof oo ku jiraan ciidamada  rabshado ka dhashay ka dib markii uu xisbiga mucaraadka ah ee Wadani uu sheegay in la musuqmaasuqay doorashadii madaxtinimada Somaliland oo maalintii isniintii 13ka bishan ka dhacday Somaliland.

Xigasho: Horseed